Golaha wasiirada Galmudug oo qodobo xasaasi ah kasoo saaray heer-kuulka siyaasadeed ee maamulkaasi

954

Golaha Wasiirada Galmudug oo gelinkii dambe ee maanta kulan ku yeeshay magaalada Cadaado ayaa waxay soo saareen qodobo xasaasi ah, oo la xiriira xaalada siyaasadeed ee hada ka taagan Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo kulanka shir guddoominayay ayaa waxaa looga hadlay go’aankii qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug, ay xilalkii uga qaadeen Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug.

Sidoo kale waxay Goluhu ka hadleen gogosha ay Dowlad Goboleedka Jubbaland u dhigtay Dowlad Goboleedyada si looga arrinsado xaaladaha siyasadeed ee dalka, waxaana goluhu isla garteen in wafdi heer sare ah loo diro shirkaas oo muhiimad gooni ah u leh Galmudug.

Hoos ka akhriso qodobada ay soo saareen golaha wasiirada maamulka Galmudug

1.In ay si buuxdo u ayideen go’aankii Barlamaanka DGGM 30-09-2017 ee ka dhacay Xarunta KMG ee Cadaado.

2.Golaha Wasiirada waxaa ay ayidayaan go’aanka Maxkamadda Sare Galmudug ee ka qadatay kooxdii afgambiga dhicisoabay soo abaabushay ee ay ugu yeertay in ay sharciga horyimaadaan.

3.Golaha Wasiirada waxa ay ka digayaan cawaqib xumada ka dhalan karta in kooxdii laga soo abaabulay villa Somalia ay soo saaraan go’aano kale kuwaas oo qalqalin kara amniga.

4.Golaha wasirada waxa ay soo dhaweynayaan gogosha Kismaayo ee dowlad goboleedka Jubaland u fidisay Dowlad Goboleedyada si looga wada xaajoodo xaladaha adag ee siyasadeed ee dalku uu wajahayo kuwaas oo dib u dhac ku keeni kara qorshoyaalkii horumarineed ee la hiigsanayey.

5.Dowlada Federalka ee Soomaaliya waxaa uu goluhu u soo jeedinyaa inay ilaaliso hanaanka federaal-ka dalka islamarkaana ay ka shaqeyso xasilooni siyaasadeed taas oo dalka u horseedi karta horumar iyo midnimo.

6.Golaha Wasiirada waxa ay soo dhaweynayaan dadaalka IGAD ee wada hadalka ASWJ iyo Galmudug iyadoo laga codsanayo in la dadajiyo si midnimada iyo wada jirka bulshada Galmudug loo gaaro.

7.Golaha Wasiirada waxa ay ugu baqayan Dowladda Dhexe iyo saxiibada Dowlad Goboleedyada in Galmudug lagu taageero hannaanka sharciga iyo kala dambeenta, isla-markaana ay tixgaliso tabashada Dowlad Goboleedyada Dalka.

8.Urur Goboleedka IGAD, AU, UNSOM iyo dhammaan saxiibada beesha caalamka waxaa laga codsanayaa inay laba jibaaran taageeradooda Soomaaliya, iyadoo weliba dalka uu ku jiro xaalad adag ee abaareed.

9.Saxaafadda madaxa banaan ee ka howlgasha Galmudug waxaa looga digayaa sii deynta warar kasta oo abuuri kara xiisad siyaasadeed ama amni daro, isla-markaana ka soo horjeeda siyaasada dowladda.

SHARE