Baarlamaanka Maamul goboleedka Galmudug ayaa maanta ansixiyay Golaha Wasiirada cusub ee maamulkaas, kaddib markii ay maanta kulan ku yeesheen magaalada Cadaado.
Golaha wasiirada maamulka Galmudug ayaa maanta la ansaxiyay ka dib markii madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf uu hor-geeyay Xildhibaanada Baarlamaanka, isagoo ka codsaday inay ansixiyaan.
Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa cod gacan taag ah oo ay u qaadeen waxaa ansixiyay 52, halka 5 Mudane diiday, wax ka aamusay ma jirto.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa sheegay in Xukuumadda ay ansax tahay, isagoo ku wargeliyay inay gudan karaan waajibaadkooda Dastuuriga ah.
Golaha Wasiirada Galmudug ayaa ka kooban 52 Wasiir isugu jira Wasiir, Wasiir kuxigeeno iyo Wasiiro dowlayaal kuwaasi oo tiro ahaan ka badan Wasiiradii hore ee C/kariin Xuseen Guuleed.