Golaha wasiirada DF Soomaaliya oo magacaabay hanti dhowrka guud ee Qaranka

1065

Golaha wasiirada XFS ayaa ansixiyay Hanti-dhowraha guud ee Qaranka Maxamed Cali, iyagoo sidoo kale meel mariyay sharciyada Biyaha, Caafimaadka iyo Waxbarashada.

Kadib kulankii Khamiis laha ahaa oo ay maanta yeesheen Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa looga hadlayay dar dargelinta howlaha horyaala Xukuumadda gaar ahaan sharciyada muhiimka ah ee horyaala Golaha.

Intii kulanka uu socday ayaa waxay Golaha Wasiirada Dowladda Soomaaliya ay ansixiyeen Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka Maxamed Cali. ayagoo sidoo kale meel mariyay sharciyada biyaha caafimaadka iyo waxbarashada.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo jeediyay Hanti dhowraha guud ee Qaranka Max’ed Cali, kaasi oo marki dambe oo ay meel mariyeen Golaha Wasiirada