Muqdisho – Warka ka soo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabku ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu caddeeyay in uusan jiron mooshin xil ka qaadis ah oo ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.
“Xaafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka, wuxuu dhammaab Xildhibaanada, Xukuumadda iyo Dadweynaha lala Socodsiinayaa maalinta Sabtiga 1da May, in Madaxweynaha JFS uu hor imaanayo
Golaha Shacabka uuna codsanayo in Goluhu ansaxiyo heshiiska dib-loogu noqanayo hirgalinta iyo fulinta Heshiiskii Doorashada ee 17 September 2020 si dalku u doorasho degdeg u galo”. Ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Golaha Shacabka.
Saacadihii ugu dambeysay ayaa lagu baahiyay baraha bulshada warar sheegayay in Golaha
Shacabka uu damacsanyahay in Ra’iisul Wasaare Rooble Xil ka Qaadis lagu samayo taas oo ah.
Warka soo baxay Golaha Shacabka ayaa ku tilmaamay war “been abuur ah”.