Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maalinta Barri oo Arbaco ah ay yeeshaan shir ajandihiisa lagu sheegay in uu yahay kiiska Saraalka ONLF ee Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax.
Qabsoomidda kulanka Barri waxaa warbaahinta u xaqiijiyay guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka ka dib markii maanta oo Tallaado ah ay kulan ku yeesheen magaalada Muqdisho.
Warar aan ka helnay qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka ayaa sheegaya in xildhibaanada baarlamaanka loo soo diray fariin qoraaleed loogu sheegayo in uu jiro kulan looga hadli doono arrimo ay ka mid yihiin arrinta Qalbi-dhagax.
Kulanka barri ay yeelanayaan xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxa uu yahay mid xasaasi ah, maadaama Mudanayaasha Baarlamaanka ay ku kala qeybsameen arinta C/kariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax.
Sabtidii aan soo dhaafnay waxaa shir xildhibaanada baarlamaanka ay yeelan lahaayeen, kaasi oo u baaqday kooram la’aan.
In ka badan 21 mudane oo ka tirsan Aqalka Sare ayaa shalay u codeeyay in dib loo dhigo ajandaha ay u balansanaayeen oo ahaa inay ka hadlaan islamarkaana ay soo saaraan go’aankooda kaga aadan arinta taagan.
Golaha Wasiirada Soomaaliya oo 6-dii bishan kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegeen in Qalbi-dhagax ahaa qof xiriir lahaa Al-shabaab, uuna yahay Argagixiso, sidaasina ay ugu wareejiyeen Itoobiya.