Muqdisho – Xildhibaannadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay dib u eegista Miisaaniyadda dowladda ee 2020.
Baarlamaanka ayaa maalmahaan ka dood ka yeelanayay ku noqoshada Miisaaniyadda dowladda ee 2020 oo uu saamayn xooggan ku yeeshay xanuunka Covid-19.
Waxaa Oggolaatay 143 mudane,Waxaana diiday 3 Wax Ka aamusay majirin sida uu sheegay Guddoonka Baarlamaanka.
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay xildhibaannada Baarlamaanka meelmarinta dib-ugu-laabashada Miisaaniyadda 2020.
“Waxa aan u mahadcelinayaa xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliyeed ee maanta meel mariyay dib-ugu-laabashada Miisaaniyadda 2020 oo ansixinteedu muhiim utahay sii socod siinta howlaha Dowladda”. Ayuu yiri Wasiir Beyleh.