Golaha militariga Suudaan oo loo qabtay muddo kama dambeys ah oo ay xukunka ku wareejiyaan

701

Midowga Afrika ayaa uga digay golaha milatariga ee gacanta ku haya dalka Suudaan in ay muddo 15 bari gudahood ah xukunka ku wareejiyaan maamul rayid ah haddii kale ay wajahayaan in gabi ahaanba laga saaro ururka Midowga Afrika. Dadweynaha Suudaan maalintii kow iyo tobonaad horfadhiya taliska guud ee ciidanka Suudaan, iyaga oo dalbanaya in ciidanku xukunka maamul rayid ah ku wareejiyo.

Golaha nabadgalyada iyo siyaasadda ee Midowga Afrika ayaa war qoraal oo ay soo saareen ugu baaqay hoggaanka milatariga ee Suudan in ay si dhaqso ah u qabtaan doorasho xor iyo xalaal ah. Warka qoraalka ayaa intaas ku daray in muddo kala guur ay militariga hoggaanka u hayaan ay liddi ku tahay himilooyinka ay hiigsanayaan dadka Suudaan.

Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa noqday masuulkii ugu horreeyay ee la kulma golaha milatariga ee gacanta ku haya dalka Suudaan, waxa uuna Abiy u ballanqaaday taageerada ay dawladdiisa u fidin doonto dalka ay dariska yihiin ee Suudaan.

Dhankiisa General Jalal edin Shaik oo ka tirsan golaha milatariga ee Suudaan ayaa sheegay kaddib kulankii Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed in dalabyada qaar ay fuliyeen golaha , hase ahaate ay kuwa kale u baahanyihiin waqti. Janaraalka ayaa wacad ku maray in ciidanka aysan kala eryi doonin dadka horfadhiya taliska guud ee ciidanka Suudaan oo wali dalbanaya in ciidanku xukunka rayid ku wareejiyo.

Mowqifkii ay horay uga qaateen arrinta Albashiir ayaa u muuqata in ay wax iska badaleen, waxaana uuna General Jalal Edin Shaikh sheegay in go’aanka dhiibista Albashiir ay go’aan ka qaadan karto dowlad ay doorteen dadka Suudaan, ee aysan ka qaadan karin golaha milatariga ee gacanta ku haya dalka Suudaan.

Baaqyo kala duwan ayaa ka soo baxaya dalal kala geddisan waxaana lagu dalbanayaa in ciidanka Suudaan ay xukunka ku wareejiyaan dowlad rayid ah. Dadweynaha reer Suudaan ayaa ka cabsi qaba in ay xukunka la wareegaan saraakiil horay uga tirsaneyd maamulkii Albashiir ee in badan gacanta ku hayay dalka Suudaan.