Golaha loo dhan yahay ee QM oo ansaxiyay qaraar diidaya aqoonsiga Trump ee Qudus

1234

Shirka deg degga ahaa ee Golaha Guud ee loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa maanta oo khamiis ah ka dhacay magaalada New York ee dalka Maraykanka.

Shirka ayaa waxaa si deg deg ah u codsaday dowladaha Caalamka Islaamka oo uu hor kacayo Madaxwaynaha dalka Turkiga Raccep Tayyip Erdogan.

Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa cod u qaaday go’aankii lixdii bishan December Madaxwaynaha dalka Maraykanka Donald Trump kaasi oo ahaa in magaalada Qudus uu u aqoonsaday inay tahay Caasimadda Israel.

Golaha ayaa  diiday go’aankii Trump, ayadoo Maraykanka markii ugu horaysay wajiga Caalamka Ku ceebaystay.

Dowladaha codkooda kala hor yimd ayaa waxaa ka mid ah dowladaha Maraykanka xiriir taariikhi ah la leh, sida UK, Faransiiska iyo kuwo kale.

Shirka ayaa waxaa xaadiray 193 dowladood oo xubnaha ka ah golaha guud ee Qaramada Midoobay.

128, dowladood ayaa qaraarka Maraykanka ka hor istaagaya aqoonsiga magaalada Qudus “HAA” ugu codeeyay, ayadoo 9 dowladood ay diideen inay ka hor yimaadaan go’aankii Trump halka 35 dowladoodna ay ka aamuseen.

Madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump, ayaa Ku hanjabay in taageerada uu siiyo kala laabanayo haddii ay go’aankiisa ka hor yimaadaan.

Trump, ayaa isku dayayay in uu ka cabsiyo dowlado badan, hase ahaatee golaha ayaa si aqlabiyad ah u ansaxiyay.

Maraykanka, ayaa horay codkiisa diidmada qeexan Ku hor istaagay qaraarka maanta la meel mariyay xili uu qaraarkan hor yaalay golaha Ammanka ee Qaramada Midoobay.