Golaha Guud ee Culimada Soomaaliyeed oo ka hadlay xasuuqa lagu hayo muslimiinta dalka Myanmar (Sawiro)

944

Kulankan oo Golaha Guud ee Culimada Soomaaliyeed ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay  ku Cambaareeyeen falalka xasuuqa ah ee lagu hayo Muslimiinta  Rohinga ee  wadanka Myanmar kuwaasi oo loo geysanayo Xadgudubyo meel ka dhac ku ah Xuquuqda Aadanaha.

Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay  Macalimiinta Dugsiyada qur’aanka kariimka ee gobolka Banaadir, Culimaa’udiin iyo Aqoonyahano, waxaana diirada  lagu saaray dhibaatooyinka  lagu  Xasuuqayo  Muslimiinta Burma ama Myanmar.

Qaar ka mid ah Culimaa’udiinkii ka hadlay goobta ayaa si kulul u cambaareeyay shacabka iyo dowladda Myanmar , dhibaatooyinka  xasuuqa  ah ay ku hayaan  Muslimiinta  ku  nool  wadankaasi.

Madaxa Xiriirka Guud ee Golaha Cullimada  Soomaaliyeed Sheekh Cumar Cali Rooble  oo kahadlay goobta ayaa wax laga xumaado ku timaamay  dhibaatooyinkaasi lagula kacayo Muslimiinta Rohinga ee wadanka Myanmar.

Ku simaha Golaha Guud ee Culimada Soomaaliyeed Sheekh Sayid Abaa Cali ayaa ugu baaqay Culimaa’udiinka Soomaaliyeed iyo dhamaan Muslimiinta  in ay gacan ka geystaan sidii loogu gurman lahaa Muslimiinta la xasuuqayo.

Muddooyinkan ayaa waxaa isa soo tarayay Xasuuqa iyo Dilalka lagu hayo Muslimiinta Rohinga ee wadankaasi.