Muqdisho (UM) – Raiisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daah-furay Golaha Dhaqaalaha Qaranka. Golaha dhaqaalaha qaranka ayaa waxa uu ka koobanyahay khubaro dhaqaale oo Soomaali iyo ajnabi isugu jira.
Goluhu waxa uu la talin la xiriirta dhinaca dhaqaalaha ka siin doonaa dowladda Federaalka Soomaaliya si ay dib ugu dhisto dhaqaalaha waddanka oo aan ilaa iyo hadda hagaagsaneeyn.
Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta dhaqaalaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa iska laheyd fikirka in la dhiso gole dhaqaale kaas oo dowladda kala talin doona qaabka dib loogu dhisayo dhaqaalaha soomaaliya.
Golahaan maanta laga daah-furay magaalada Muqdisho ayaan horay uga jirin dalka waana golahii ugu horreeyay ee dowladda kala talin doona dhaqaalaha iyo maamulka maaliyadda ee dalka si sare loogu qaado daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka sidaas waxa bartiisa twitterka ku sheegay wasiirka Qorsheynta iyo Horumarinta Dhaqalaha Jamaal Maxamed Xasan.
Munaasabadda daah-furka ayaa waxaa ka qeybgalay wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaano, ganacsato iyo khubarro dhanka dhaqaalaha ah.
Golaha Dhaqaalaha Qaranka ayaa waxa bishii July ee sanadkaan wareegto Xaafiiskiisa ka soo baxday ku magacaabay Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.