Golaha ammaanka QM oo si wadajir ah u diiday qaraarkii ay Kenya u ololeyneysay

588

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa si wadajir ugu codeeyey diidmo kadhan ah in Dhaq-dhaqaaqa Alshabaab lagu daro laguna dhaqo qaraarka tirsigiisu yahay 1267 kaas oo ay kujiraan Ururada Alqaacidda iyo Daacish oo looyaqaan caalami ahaan ururo argagixiso.

Wadamadda Mareykanka, iyo Faransiiska oo ka tirsan xubnaha joogtada ah ee Golaha, kuwaas oo ay weheliyaan waddamada Biljim, Germany Kuwait, iyo Poland, ayaa dhamaantoodba is-hortaagay qaraarkaasi

Danjiraha Soomaaliya ee QM Abuukar Cismaan Baalle ayaa kudaabacay Boggiisa Twitter-ka in golaha Ammaanka ee QM uu diiday in ALshabaab la geliyo Qaraarka tirgiisu yahay 1267 oo ururada kujiro goobaha ay joogaan aan la geyn karin gargaar isalamrkaana loo duqeynayo hab aan kalasooc lahayn, Ururka Alshabaab waxa uu horay ugu jiray qaraarka QM ee tirsigiisu yahay 751.

Kenya oo lagu eedeeyo inay qayb ka tahay dhoofinta dhuxusha Soomaaliya ayaa wadday olole weyn oo ay ku dooneysay in Ururka Alshabaab lagu daro Liiska Qaraarka 1267 si ay cadaadis u saarto Soomaaliya balse waxa ay tani noqoneysaa guuldarro weyn oo gaartay siyaasadda arrimaha dibadda ee Kenya iyadoo hadii uu meel mari lahaa qaraarkaasi uu ka dhignaan lahaa in  tallaabadaas horseedo in deegaanada ay ka taliyaan Alshabaab aan la geyn karin kaalmo bani’aadanimo, xilli roob yaraan iyo barakacba uu ka jiro qeybo ka mid ah gobolada Somalia ka mid ah.

Hoos ka dhageyos wareysiga Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramadda Midoobay Abuukar Cismaan Baale oo faahfaahinaya.