Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo maanta shir ka yeelanaya arrimaha Soomaaliya

687

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa maanta yeellanaya kulan looga hadlayo arrimaha Soomaaliya. Shirkaan ayaa warbixin looga dhageysan doonaa masuuliyiin uu ka mid yahay Wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Danjire James Swan.

Waxaa ay u badan tahay in shirkaan lagu fallanqeyn doono arrimaha Doorashooyinka, amniga iyo bini-aadamnimada ee Soomaaliya.

Arrintaan ayaa imaanaysa iyadoo uu khilaaf xooggan ka taagan yahay hannaanka doorashada Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha ee Soomaaliya.

Waxaa maalintii saddexaad shir uga socdaa magaalada Muqdisho madaxda mucaaradka iyo siyaasiyiin miisan culus ku leh siyaasada.