Golaha Ammaanka oo shir ka yeeshay aqoonsiga Trump ee Qudus

1152

Golaha Ammanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta oo Jimco ah magaalada New York ee dalka Maraykanka Ku yeeshay kulan deg deg ah oo looga hadlayay aqoonsiga madaxwaynaha dalka Maraykanka Donald Trump ee magaalada marwalba Qudus u aqoonsaday inay tahay Caasimadda Israel.

Shirka deg degga ahaa waxaa Ku baaqay Siddeed dowladood oo ay ka mid yihiin Masar, Jordan, Faransiiska iyo Bolivia.

Safiirada joogtada ah ee dalalka xubnaha ka ah Golaha Ammanka ee Qaramada Midoobay ayaa intooda badan hadal ka jeediyay kuwaasi oo soo bandhigay sida madaxwaynaha Maraykanka uu u qaatay go’aan xun.

Safiirka Ruushka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in go’aanka Trump, uu yahay mid caqabad Ku ah nabadda Barriga dhexe.

Riyaad Mansuur, wakiilka joogtada ah ee Falastiin u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa sheegay in go’aanka Trump, uu yahay mid meel ka dhac Ku ah dhammaan qaraaradii Golaha Ammanka ee Ku aadan Israel iyo Falastiin.

Waxaa uu sheegay in Qudus ay tahay magaalo ka dhexaysa Diimaha Ibraahimiyadda islamarkaana Israel aan la siin karin.

Go’aanka Trump, uu Qudus ugu aqoonsaday waa mid xad-gudub Ku ah shuruucda Caalamiga ah. Muddo dheer ayuu Maraykanka naas-nuugin Sharci daro ah siinayay Israel, ayadoo Shacabka reer Falastiin ay dhibaato ku hayeen taageerada uu Israel uu siiyo. Tani waa mid meel ka dhac Ku ah muslimiinta iyo Masiixiyiinta” ayuu Riyaad Mansuur ka sheegay shirka deg degga ahaa ee Golaha Ammanka ee Qaramada Midoobay ay Ku yeesheen xaruntooda magaalada New York.

Safiirka dowladda Sweden, ee Qaramada Midoobay Olof Skoog, ayaa sheegay in go’aanka Trump uu yahay mid colaad abuuraya.

Safiirka dowladda Maraykanka, ee Qaramada Midoobay Nicky Helay, ayaa difaacday go’aanka madaxwaynaheeda uu Qudus ugu aqoonsaday inay tahay Caasimadda Israel.

Waxaa ay sheegtay in go’aanka uu qaatay uu ahaa mid aqlabiyadda Shacabka Maraykanka ay doonayeen.

Helay, waxaa ay intaasi Ku dartay in dowladda Maraykanka ay sii wadi doonto waan-waanta nabadeed ee Falastiiniinta iyo Israeliinta.

SHARE