Golaha Ammaanka oo Shir deg deg ah ka yeeshay weerarkii Sunta ee Suuriya

765

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa shir deg deg ah ka yeeshay xaaladda dalka Suuriya gaar ahaan weerar la sheegay in dowladda Suuriya ay u adeegsatay sunta kiimakada halista ah ee loo yaqaano Choline Gas weerarkaasi oo ka dhacay magaalada Duma oo Ku taala Bariga Ghouta we dalka Suuriya.

Shirka deg dega ah ee Golaha Ammanka we Qaramada Midooby  ayaa waxaa Ku baaqay Faransiiska, Ibgiriiska iyo Lix dal oo kale.

Maraykanka iyo Ruushka ayaa kulanka ka hor is dhaafsaday hadalo kulkuluul ayadoo dowladda Maraykanka ay sheegtay in ay ka Jawaari doonto weerarka Sunta loo adeegsaday ee ka dhacay dalka Suuriya halka dowladda Ruushka ay sheegay in hadaladaasi ay yihiin kuwo daandaansi ah.

Shirka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa loola Dan lahaa in guddi madaxbanaan loo saaro weerarka Duma qorshahaasi oo ay soo diyaarisay dowladda Sweden.

Safiirka Maraykanka u Fadhida Qaramada Midoobay Nicky Hally ayaa sheegay in haddii Golaha jawaab deg deg ah uu ka bixin waayo weerarka Sunta ahaa ee magaalada Duma waxaa ay sheegtay in Maraykanka uu jawaab deg Deg ah ka bixin doono.