Golaha Ammaanka oo raadinaya in Trump ay ka hor istaagaan aqoonsiga Qudus

853

Golaha Ammanka ee Qaramada Midoobay, ayaa raadinaya inay daaqadda ka tuuraan aqoonsiga madaxwaynaha dalka Maraykanka uu magaalada Qudus, u aqoonsaday inay tahay Caasimadda Israel.

Qaraar lagu raadinayo in lagu baabi’yo aqoonsiga magaalada Qudus ee Trump, ayaa waxaa soo diyaarisay dowladda Masar, sida ay Ku warantay wakaaladda wararka Reuters, oo aragtay qoraalka Qaraarkan.

Reuters, ayaa sheegaysa in xubnaha Golaha Ammanka ee Qaramada Midoobay ay taageersan yihiin qaraarka Maraykanka looga hor-istaagayo aqoonsiga magaalada Qudus uu u aqoonsaday inay tahay Caasimadda Israel.

Ma muuqdaan wax ifafaalo ah oo muujinaya in qaraarkan si wada jir ah ay ugu codeeyaan 15 xubnood ee joogtada ka ah Golaha Ammanka ee Qaramada Midoobay.

In loo codeeyo islamarkaana uu ansax noqdo qaraarkan, Waxaa uu u baahan yahay in uusan la kulmin wax veto ah.

Golaha Ammanka ayaa lagu wadaa in qaraarkan ay cod u qaadan maalmaha soo aadan.

Qaraarkan ayaa laftirkiisa daaqadda ka bixi kara haddii Maraykanka, France, UK, Russia ama China midkood uu isticmaalo codka diidmada qeexan ee Veto-ga loo yaqaano.