Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa isku raacay in la kordhiyo muddadii hawlgalka nabad ilaalinta ee Amisom, iyada oo la gaarsiiyay ilaa iyo 31 bisha May, sannadka 2019.
Golaha ammaanka ayaa u arkay in aysan suuro gal aheyn in ciidanka Amisom laga saaro Soomaaliya, iyada oo wali aysan dhisneyn ciidanka qaranka Soomaaliya oo kala wareegi lahaa ammaanka.
Golaha ammaanka ayaa dib u dhigay bixitaanka ciidan gaaraya 1000 askari ,kuwaas oo dalka ka bixi lahaa dhamaadka bisha October, taas badalkeedana waxaa laga dhigay in ay baxaan bisha Febraayo ee sannadka soo socda.
Qaraarkaan golaha ammaanka oo dalka Uk diyaariyay waxaa sidoo kale lagu sheegay in ay muhiim tahay dhisida ciidanka Soomaaliya si ay hoggaanka ula wareegaan sannadka 2021da.
Isla sannadkaas ayaa lagu wadaa in la qabto doorashada Soomaaliya oo laga filayo ciidanka Soomaaliya in ay la wareegaan masuuliyadda amniga.