Golaha ammaanka oo ka shiray Iiraan iyo Ruushka oo cambaareeyay Maraykanka

989

Ruushka ayaa cambaareeyay Mareykanka oo doonaya inuu ku qanciyo golaha ammaanka ee raacsan qaramada midoobay arrinta ku saabsan dibad-baxyada ka socda gudaha Iran.

Fasiili Neybizia oo ah wakiilka Ruushka u fadhiya qaramada midoobay ayaa sheegay in faro-gelinta lagu hayo gudaha golaha ammaanka uu xumeyn doono qaramada midoobay.

Wakiila Mareykanka u fadhiya qaramada midoobay Nikki Haley, ayaa ammaantay daqiiqado ka hor dibad-baxyada ka socda Iran waxayna ku tilmaanatay soo bandhigidda awood shacab oo geesi ah.

Wakiilka qaramada midoobay u qaabilsan Iran ayaa sheegay in Mareykanka uu xumeynayo golaha amaanka uuna awoodiisa uu u adeegsanayo six un.

Arbacadii ayey ahyed markii Iran ay u gudbisay golaha ammaanka ee qaramada Midoobay dacwad ka dhan ah Mareykanka taasi oo ku saabsaneydd inuu ku hayo farogalin qaawan.