Golaha Ammaanka oo isku raaci la’ xabad joojinta Suuriya

785

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa dib u dhigay qaraar lagu doonayay in xabad joojin looga gaaro guud ahaan dalka Suuriya gaar ayaan bariga Ghouta oo duqaymo kuwii ugu xumaa ay ka jiraan muddo ka badan hal Isbuuc.

Qaraarkan golaha ammaanka ay xabad joojinta ugu raadinayaan barriga Ghouta ayaa waxaa uu yahy mid ogolaa at xabad joojin muddo 30 maalmood ah kaasi oo dhowr jeer oo horay  goluhu ay dib u dhigeen.

Qararka waxaa soo diyaariyay safiirka dowladda Sweden u fadhiya golha ammaanka iyo safiirka dowladda Kuwait oo hatan ah madaxwaynaha golaha ammaanka.

Sabbaha dib u dhigista keentay ayaa lagu sheegay in Ruushka uusan la dhacsanayn Habka uu u qoran yahay qararka.

Madaxwaynaha dalka Faransiiska iyo hogaamiyaha dalka Jarmalka ayaa warqad u qoray madaxwaynaha dalka Ruushka ayagoo ka dalbanaya inuu taageero qaraarka.

Bariga Ghouta ayaa waxaa la sheegay in lagu dilay 460 qof dad ka badan tiradaasi oo la dilay muddo ka yar hal isbuuc