Golaha ammaanka ee QM ayaa cunoqabatayn ku soo rogay waqooyiga dalka Kuuriya ka dib markii ay shir ku yeesheen magaalada New York.
Qoraalka cunoqabatayntan oo ay soo diiyarisay dowladda Maraykanka ayaa golaha si aan diidmo lahayn ugu codeeyay.
15 ka xubnood ee golaha ammaanka ayaa isku raacay ayadoo la filayay in dowladaha Ruushka iyo Shiinaha inay ka hor imaan doonaan talaabadan cusub ee ka dhanka ah waqooyiga Kuuriya.
Cuno-qabatayntan ayaa waxaa ay taabanaysaa ilaha Dhaqaalaha dalkaasi oo ay ka mid yihiin in la xadido maraakiibta Shidaalka, dhoofinta dharka iyo kuwo kale.
Maraykanka ayaa ku qasbanaaday inuu wax ka badalo qaraarka intaan la ansaxin ka hor si ay u hesho kalsoonida Ruushka iyo Shiinaha.
Qoraalkii hore ee qaraarkan ayaa sheegayay in la mamnuuco diyaaradda Waqooyiga Kuuriya ee Korean air iyo in mamnuuco dhammaan Shidaalka dalkaasi.
Arintan ayaa jawaab u ah tijaabadii nuclear-ka waqooyiga Kuuriya ee ay sheegtay inay tijaabisay nuclear-kii ugu waynaa ee dalkaasi.
Dowladda go’doonsan ee North Korea ayaa tan 1984 tii tijaabisay in ka badan 150 gantaal oo ka mid yihiin hubka nuclear ka kuwaasi oo intooda badan dhacay ka dib markii 2011 kii awooda uusoo fuulay Kim Jon Un.