Golaha Ammanka ee Qaramada Midoobay ayaa Cunoqabateyn cusub oo dhan kasta ah ku soo rogay dalka Waqooyiga Kuuriya,ka dib markii Golaha amaamka ee Qaramada Midoobay ay cod aqalbiyad ah ku meel mariyeen qaraar cusub oo culuska Ku sii kordhinaya Xukuumadda waqooyiga Kuuriya.
Dalalka Ruushka iyo Shiinaha oo bah wadaag dhaw la ah Waqooyiga kuuriya ayaa iyaguna ka mid ahaa dalalkii u codeeyay in uu meel maro qaraarkan.
Qaraarkan, waxaa soo diyaarisay dowladda Maraykanka, taasi oo dhowaan waji gabax kala kulantay kulankii golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay.
Dhinaca kale Madaxweynaha Maraykanka ayaa soo dhaweeyay go,aankaasi oo uu ku sheegay in dunidu maanta u baahan tahay nabad galyo ee aanay u baahnayn dagaal.
Kuuriyada Waqooyi ayaa tijaabisa gantaalaha ridada dheer ,kuwaasi oo ah plastic, iyadoo marar badan ku tijaabisay baddaha baasifiga iyo agagaarka biyaha dalka Jabaan.
Ma aha markii ugu horreysay ee golaha amaanku cune-qabateyn ku so rogo dalka K/waqooyi,lakiin tani waxay saamaynaysaa in la xayiro wax allale wixii dalkaasi dibadda u dhoofiyaan iyo wax alaale wixii dalkaasi galaaya oo ay u jiraan in xitaa dadka Waqooyiga kuuriya u dhashay ee dibadaha ka shaqeeyaa ay dalkooda ku laaban doonaan 24 bilood ka dib.