Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa shir ka yeelanaya arrimaha Soomaaliya maanta iyadoo si gaar ah looga hadli doono arrimaha Doorashooyinka.
Golaha Ammaanka ayaa kulmi doona lixda galabnimo (6:00 p.m) ee maanta (xilliga Muqdisho) iyadoo kulanku uu ku saabsanyahay Soomaaliya, waxaana looga hadlayaa qodobbo ay ka mid yihiin doorashooyinka ilaa baahiyaha bani’aadamnimada.
Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan iyo Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madeira ayaa hadal ka jeedin doono kulankaan oo qaabka foogan aragka ee Zoom-ka ay uga qeybgali doonaan.
Arrimaha Doorashooyinka Soomaaliya oo wali khilaafka xooggan uu ka taagan yahay walina uusan jirin isoo dhawaasho laga gudbayo arrimahaan taagan.