Golaha Ammanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa ay soo dhoweeyeen waxyaabihii kasoo baxay shirkii Caalamiga ah ee dhowaan lagu soo gebagebeeyay magaalada Muqdisho.
Shirkaasi ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wakiilada in ka badan 29 dal, waxaana soo agaasintay Qaramada Midoobay.
Shirka ayaa waxaa loo hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin Ammanka, siyaasadda iyo hormarka Soomaaliya.
Howlgalka dowladda Ingiriiska ee Qaramada Midoobay ayaa warkooban oo ay soo dhigeen barta Twitter-ka ayaa lagu sheegay in Golaha Ammanka ee Qaramada Midoobay uu soo dhoweeyay wixii kasoo baxay shirkii Caalamiga ahaa ee magaalada Muqdisho.
The @UN Security Council welcomes the outcomes of the #MogadishuConference and recognize "historic opportunity" before #Somalia to build stability and security.
Full statement 🇸🇴👇 pic.twitter.com/1rCX97UloW
— UK at the UN 🇬🇧🇺🇳 (@UKUN_NewYork) December 6, 2017