Golaha ammaanka ee Q.M oo waqtiga u kordhiyay howlgalka AMISOM

906
AMISOM Police Chief of Staff, Rex Dundun, awards a certificate to a police officer during a medal ceremony to mark the departure of a contingent of police officers from Uganda at the AMISOM headquarters in Mogadishu, Somalia, on August 29, 2017. AMISOM Photo / Ilyas Ahmed

Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee loogu yeero AMISOM u kordhiyay muddada ay dalka sii joogayaan, waxaana oggolaanshaha cusub uu dhigayaa in ay joogi garaan tan iyo 31 Maajo 2018.

Golaha ayaa sheegay in ay indhaha ku haynayaan muddadaas oo la doonaayo in ciidanka Soomaaliya ay amniga kala wareegaan Ciidamada AMISOM.

Ciidamada ka socda AMISOM ayaa ka badan 22 000 oo askeri iyo shaqaalahooda rayidka ah, waxaana ay Soomaaliya joogeen tan iyo sanadkii 2007.

Xubnaha Golaha Amaanka ayaa go’aamiyey in hoos loo dhigo tirada ciidanka AMISOM, lana gaarsiiyo 20,626 oo ay ku jiraan 1040 Boolis ah tan iyo Oktoobar 2018.

Askarta ugu horeysa ee ka abxay Soomaaliya ee AMISOM ayaa loo qabtey bisha Diseembar 2017, waxaana golaha amaanku isha ku haynayaa sida dowladda federaalku ugala wareegi karto amniga.

Qorshaha joogitaanka AMISOM ayaa ku ekaa sanadka 2018, sida Golaha Amaanku horey u go’aamiyey, waxaana la is weydiinayaa in Soomaaliya diyaar u tahay in ay amnigeeda lawareegto.