Golaha Ammaanka ee Q.M oo shir deg deg ah ka yeeshay W/Kuuriya

826

Kulan deg deg ah oo ay isugu yimaadeen xubnaha Joogtada ah ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay  ayaa  waxaa ay isku raaceen  inay ka soo horjeedaan in Kuuriyada Waqooyi ay dulmariso Markale gantaal ridada dheer waqooyiga jasiiradda Hokkaido ee dalka Japan taasi oo ay ku tilmaameen mid daandaansi cad ah.

Golaha ayaa kulankan deg dega ah yeeshay ka dib markii muddo ka yar hal bil markii labaad xukuumadda Kuuriyada waqooyi ay gantaal kuwa ridada dheer ah dul marisay dalka Japan, ayadoona maalmo ka hor ku hanjabtay in Japaan ay u isticmaalidoonto hubkagumaadka daran ee Nuclear-ka.

Bayaan ay soo saareen golaha amaanka ee QM oo uu Akhriyay Madaxawaynaha  haatan ee Golaha Amaanka ahna Safiirka Ethiopia u fadhiya Qaramada Midoobay Tekeda Alemu, ayaa lagu sheegay in Golaha Ammaanka ee Qaramada midoobay uu ku adkeeyay dhammaan dowladaha xubnaha ka ah golaha inay si buuxda oo deg deg ah u dhaqan galiyaan dhamaan qaraarada golaha.

Shirkan inta inta uusan dhicin ayaa warar kala duwan oo ka soo baxay dowladda Maraykanka ayaa waxaa lagu sheegay in qaraarada golaha ammaanka haddii ay shaqayn waayaan xukuumadda Washington ay miiska u saran yihiin habkii ay u wajihi lahayd daan-daansiga Kim jon Un.

Maraykanka, Shiinaha iyo Ruushka oo ku kala aragti duwan xaaladda ka taagan gacanka Kuuriya ayaa waxaa ay muddooyinkan ahaayeen kuwo la moodo inay isku aragti ka yihiin barnaamijka Nuclear-ka W/ Kuuriya inkastoo Shiinaha iyo Ruushku qorsho ay soo abaabuleen uu aqbali waayay Maraykanka kaasi oo ahaa in Maraykanka iyo Koonfur kuuriya ay joojiyaan dhoola tuska militari ee ay ka wadaan jaziirad u ekaha Kuuriya islamarkaana W/ Kuuriya ay joojin doonto wax walba oo hormarinaya barnaamijkeena Nuclear-ka.

Safriika Ruushka ee Qarmaada Midoobay, Vasilly Nebenzia, oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in diblomaasiyadu tahay wadada kaliya ee lagu xalin karo xiisada Kuuriyada Waqooyi.