Golaha Amaanka qaramada midoobay ayaa codsaday in la sameeyo baaritaan madax banana oo lagu kalsoonyahay kaas oo lagu eegayo waxa kalifay in la beegsado oo duqayn loo gaysto caruur yaryar oo arday ah, kuwaas oo oo khamiistii lasoo dhaafay duqayn lagula beegsaday Gobolka Sacda ee dalka Yaman kaas oo ay maamulaan xuutiyiintu.
Waxaa la sheegay in ay ku dhinteen dhacdadaas 29 caruur ah, balse xuutiyiinta oo war soo saaray waxay sheegeen in duqayntaas ay ku dhinteen aftameeyo qof waxa ayna weerarkaas ku eedeeyeen xulafada uu Sacuudigu hogaaminayo, Sacuudiga waxa uu dhankiisa sheegay in talaabadaasi aysan sharci ahayn balse ay ku samaynayaan baaritaan.
Karen Pierce oo ah ku simaha madaxada golaha amaanka waxa uu sheegay in goluhu ku adkaysanayo baadhitaan dhab ah oo la sameeyo, sidoo kale hay’adaha Caruurta ee Qaramada Midoobaya ayaaa falkaan ku tilmaamey mid naxdin leh