Ku dhawaad saddax Milyan oo ka soo jeeda gobalka Muslimiintu ugu badanyihiin ee koonfurta dalka Filipiin ayaa lagu wadaa in ay u coddeeyaan sharci cusub oo awood dheeri ah oo ismaamul siinaya dadka Muslimiinta ee ku nool gobolkaas.
Aftida loo qaadayo sharcigaan cusub ee awoodda dheeriga ah siinaya gobolka ay Muslimiintu ugu badan yihiin ayaa horseedi kara in uu sii jiro heshiiskii u dhaxeeyay dowladda dhexe ee Filipiin iyo jabhadda islaamiga ah ee Moro oo sannadhii 1970-yadii ku bilaabtay jabhad gooni u goosad ah.
Haddii ay dadku u codeeyaan meel marinta sharcigaan, waxaa ismaamulka hadda jira ee ARMM beddeli doono Bangsamoro oo micnaheeda yahay dhulka dad Moro. Ismaamulka hadda jira ee ARMM ayaa ku guuldarestay in uu soo afjaro colaadda gobolkaas oo ay ku dhinteen dad gaaraya 120 kun kontakii sano ee ugu danbeysay.
Maamulkaan ay dadku aftida u qaadayaan ayaa si weyn uga badalnaan doona ismaamulkii horey u jiray. Ismaamulkaan la soo jeediyay ayaa yeelan doona baarlamaan iyo awood u gaar ah oo horay gacanta ugu jiray dowladda dhexe ee Filipiin. Wxaay sidoo kale heli doonaan qaybta ay ku leeyihiin dakhliga gudaha lag soo aruuriyo.
Dhankooda jabhadda waxa ay soo afjari doontaa halgankii ay ku doonayeen maamul ka madax-bannaan dalka Filipiin iyada oo askartooda oo 35000 kun gaareysa iyo hoggaamiyaahsooda ay dowladda ka mid noqon doonaan.
Madaxweynaha dalka Filipiin Rodigro Duterte ayaa taageero u muujiyay aftida la qaadayo isaga oo ku tilmaamay sharci taariikhi ah oo dib u saxaya gefafkii hore.
Dadka Muslimiinta ee Moro ayaa tiro ahaan waxay gaarayaan lix milyan waana dad si weyn looga tiro badan yahay marka loo eego tirada dadka Filipiin oo boqol Milyan ah. Aqlabiyadda dadka filipiin ayaa ah dadka heysta diinta masixiiga.

























