Gobolka Banaadir oo lagu wareejiyay Maamulka Waxbarshada Caasimadda Muqdisho

83

Muqdisho – Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu qabtay munaasabadda maamulka Waxbarashada Caasimadda Muqdisho loogu wareejinayay Gobolka Banaadir.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo dadaal xooggan ugu jirta tayenta heerka waxbarasho ee dalka iyo daadejinta hannaanka loo maamulo waxbarashada, ayaa maamulka gobalka ku wareejisay mas’uuliyadda maamulka waxbarashada caasimadda.

Ku wareejinta maamulka gobalka maamulka waxbarashada ayaa ka dambeeyay is-afgarad dhex maray wassaaradda waxbarashada oo horay u maamuleysay iyo maamulka gobalka.

Ujeedada is-fahamka uu maamulka gobalku kula wareegay waxbashada caasimadda ayaa ah in waxbarashada loo daadejiyo heer gobol ilaa heer degmo sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada iyo GobolkaBanaadir, iyadoo laga duulayo nidaamka federaalaynta dalka iyo in gobolka qaato masuuliyadda waxbarashada caasimadda.

Guddoomiyaha gobalka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed Filish iyo sii hayaha Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre, ayaa
munaasabadda ka sheegay muhiimadda ay bulshada Gobalka Banaadir iyo guud ahaan hagaajinta waxbarashada ay u leedahay in maamulka Gobalku uu la wareego mas’uuliyadda waxbarashada Caasimadda Muqdisho.

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, Mahdi Maxamed Guuleed oo munaasabadda goobjoog ahaa ayaa guul weyn ku tilmaamay daadejinta maamulka waxbarashada, ayaa kula dardaarmay maamulka Gobolka Banaadir in sida ugu haboon ay uga soo dhalaalaan mas’uuliyadda maanta lagu wareejiyay.

Munaasabadda kaddib ayaa waxaa heshiis Gobolka Banaadir kula wareegayay Maamulka Waxbarashada Caasimadda kala saxiixday Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish iyo wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Cabdullaahi Goodax Barre iyadoo uu goobjoog ahaa sìihayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed.

Heshiiskaan is-fahamka ah ayaa ku dhisan sharciyad, sida ku cad Dastuurka dawladda federaalka qodobada 51-aad iyo 52-aad oo tilmaamaya iskaashiga dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeybgalay wasirro, Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, dalladaha waxbarashada iyo agaasinka waxbarashada dowladda House iyo Wasaaradda Waxbarashada.

SHARE