Muqdisho – Maamulka Gobolka Banaadir ayaa joojiyay ruqsad siinta shirkadaha sarifka lacagaha qalaad ee loo yaqaan Forex.
Warqad kasoo baxday maamulka Gobolka Banaadir oo la sheegay in ay tixraaceeyso warqad kale oo horay uga soo baxday Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa lagu mamnuucay in wax ruqsad ganacsi ah la siiyo ama la diiwaan galiyo shirkadaha nuuca loo yaqaan Forex ee ka shaqeeya sarifka lacagaha qalaad.
Agaasimaha khidmaha iyo adeegyada ee dowladda Hoose oo warqaddu ku socotay ayaa lagu amray in maanta oo taariikhdu tahay 20- 02-2020 la joojiyay diiwaan galinta shirkadaha nuuca loo yaqaan Forex , waxaana sidoo kale la faray in uu soo gudbiyo liiska kuwa horay isku diiwaangaliyayn si go’aan uu uga gaaro maamulka Gobolka Banaadir.
Shirkadaha nuuca loo yaqaan Forex ayaa dhawaanahaan kusoo batay dalka Soomaaliya, waxaan durbaba soo baxay dad badan oo cabasho ka ah shirkadahaan oo ay sheegeen in ay lacag ka lunsadeen.
Lama oga ilaa iyo inta ay socon doonton hakinta ruqsad siinta shirkadaha sarifka lacagaha qalaad.