Gobolka Banaadir oo iska fogeeyay eedeymaha warbixintii Guddiga Maaliyadda

432

Muqdisho (UM) – Maamulka Gobolka Banaadir ayaa iska fogeeyay eedeymihii  ku saabsan wax isba marin Maaliyadeed taasi oo uu dhawaan u jeediyay Guddi Hoosaadka Maaliyadda Baarlamaanka Soomaaliya.

“Dowladda Hoose ee Xamar & Maamulka Goboka Banaadir waxuu ugu horeyn beeninayaa warbixintaas been abuurka aheyd oo si ku talagal ah u siyaasadeysneyd taasoo aan ka tarjumeynin xaqiiqada dhabta ah iyo horumarka baaxada leh ee uu Maamulku ka sameynayo nidaamka Maamulka iyo Maareynta Maaliyadda”. Ayaa lagu yiri war Saxaafadeedka ka soo baxday xaafiiska Duqa Muqdisho Eng. Yarisoow.

Waraka qoraalka ah ee ka soo baxay Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in warbixinta ay soo diyaariyeen xubno ka tirsan Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Qodobkiisa (t) Farqadiisa 9aad oo ay ku sheegeen in Dowladda Hoose ee Xamar ay soo gashay Lacag dhan $16,556,504.75 mudadii 6da bilood ee Janaayo iyo Juun 2018, taas oo ah mid aan sax aheyn oo caddada intaas la egna aysan soo xaroon.

Gobolka Banaadir ayaa sheegay in dhammaan lacagaha Dowladda Hoose soo gala ay si toos ah ugu dhacaan Bangiga dhexe isla markaasna laga kharash gareeyo oo waxii faahfaahin ah laga heli karo, sida qoraalka ka soo baxay lagu yiri.

Warka qoraalka ah ee ka soo baxay Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in Dowladda Hoose ay beenineyso eedeyntan, waxeyna caddeyneysaa in Maamulka uu leeyahay miisaaniyad sannadeed degsan, miisaaniyad sannadeedka 2018 oo la ansaxiyey, waxaana lagu shubaa miisaaniyadda nidaamka habka casriga ee (BRAFMIS).

War Saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu xusay in Sida ku cad farqadda 9aad (d) Lacagaha 5.9 Milyan ee ku xusan in uu soo bixiyay khasnajiga Guud ee Dowladda Hoose, ay mareen nidaamk la oo Bankiga Dhexe uu hayo sidey u baxeen, ciddii faahfaahin dooneysana ay ka heli karto.

Gobolka Banaadir ayaa sheegay in kharashaadkaas ay ku baxeen gunadda mushaaraadka shaqaalaha oo Bangiga Dhexe uu u wareejiyey koontooyinka shaqaalaha ay ku leeyihiin Bangiyada gaarka ah, qaarna ay yihiin mashaariicda ay hay’adaha caalamku ka fuliyaan caasimada, sida kharashaadka dhalinyarada shaqo abuurka loo sameeyey iyo kuwa lagu socodsiinayey howl maalmeedka shaqo ee gobolka.

“Sida ku cad farqadda 9aad (e), Dowladda Hoose ee Xamar, waxey beenineysaa dhammaan eedeyntan, waxayna cadeyneysaa inay leedahay hab raaca iibka oo waafaqsan sharciga iibka Qaranka, oo bixinta Qandaraasyada iyo iibka waxaa loo marsiiyaa habraaca iibka ay Dowladda Hoose leedahay”. Ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee ka soo baxday Gobolka Banaadir.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale sheegay in Dowladda Hoose Xamar ay siiso shaqaalaha xuquuqda ay leeyihiin, waxaana wax kama jiraan ku tilmaantay eedeynta loo soo jeediyey ee ah in laga jaray shaqaalha Dowladda Hoose gunnooyinkooda saami dhan 30%. Gobolka Banaadir ayaa sheegay in omxisaab xirka ay ku cadahay in tan iyo 2015kii in aan shaqaalaha laga jarin saami dhan 30%.

Warbixinta Guddiga Maaliyadda oo eedeymo kuwaan la mid ah u jeedisay wasaaradda Maaliyadda iyo bangiga dhexe, ayaa shalay Baarlamaanku waxba kama jiraan ku tilmaamay ,iyadoo Baarlamaanku uu raali gelin ka bixiyay warbixintii Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka.

SHARE