Muqdisho (UM) – Guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari ayaa qaatay go’aan taariikhi ah, kaddib markii uu ogolaaday in mustaqbalkiisa siyaasadeed ay go’aan ka gaaraan xildhibaannada Baarlamaanka oo codka kalsoonida u qaadi doona in uu joogo iyo in kale muddo toban berri gudaheed ah.
Ka hor iclaaminta Guddoomiye Jawaari uu iclaamiyay in uu ogolyahay codka kalsoonida in loo qaado, ayaa waxaa jiray muran xooggan oo u dhaxeeyay fulinta iyo xildhibaano taageersan Guddoomiyaha. Murankaas oo ku saleysnaa sharciyadda mooshinka la keenay.
Hadda maanka iyo dhagahuba waxay ku jeedaan dagaalka isbadbaadinta siyaasadeed ee Jawaari, iyo sida ay dowladdu uga fal celin doonto haddii uu guuleysto Jawaari.
Waa ay iska caddahay in dowladda iyo Guddoomiyaha midkoodna uusan sameeyn doonin tanaasul ku aadan ismari waagaan siyaasadeed ee heerkaan sare gaarsiisan. Waa dagaal ku dhammaada tanaasul la’aan, sida ay ka dharagsanyihiin dadka Soomaaliyeed oo horay ugu soo joogay isqab qabsiga maamulladii dalka soo maray.
Hase ahaatee waxa dagaalkaan siyaasadeed mar la arag ka dhigay ayaa ah in uu caadi ka dhigi doono loolanka siyaasadeed ee u dhaxeeya sharci dajinta iyo fulinta. Waxaa noo bilawday xaalad dagaal siyaasadeed sokeeye oo joogto ah una dhaxeeya Guddoomiyaha hadda iyo kuwa imaan doona oo dhinac ah, Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha.
Loolanka u dhaxeeye sharci dajinta iyo fulinta ee lagu qalqal galinayo xasiloonida siyaasadeed ee Soomaaliya waxaa taageeraya xildhibaano aan xilkas aheyn oo damac wado. kuwaas oo doonaya in ay helaan lacag degdeg ah ama xilal wasiireed aysan ka bixi karin, iyada oo taasi ay culays ku tahay dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan.
Ma jiraan halyeeyo ka dhex muuqda sheekadaan tiiraanyeedkaan fashilka siyaasadeed ee Soomaaliya oo salka ku heysa siyaasad aan micno weyn laheyn.
Si kasta oo ay noqoto natiijada mooshinka ka dhanka ah guddoomiyaha baarlamaanka, Soomaaliya waxay noqon doontaa mid aan laheyn xasilooni siyaasadeed.
Guddoomiyaha, Madaxweynaha, iyo Ra’iisal wasaaruhuhba waxay hadda kadib ku seexan doonaan shaki ,waxyna kusoo toosi doonaan shaki.