Go’aanka Baarlamaanka Soomaaliya ee Heshiiska DP World – UM

1806

Muqdisho(UM) – Cod aqlabiyad ah ayay maanta baarlamaanka Soomaaliya si rasmi ah u ansixiyeen qaraar tilmaamaya in heshiiskii Berbera ee u dhexeeya Shirkadda DP World, Somaliland iyo Itoobiya uu yahay waxba kama jiraan isla markaasna waxay sheegeen inay go’aankan laalaya heshiiska ay calaamad wanaagsan u tahay ilaalinta danaha gayiga iyo dadka Soomaaliyeed. Tani waa markii ugu horreysay tan iyo kiiskii badda ee ka dhanka ahaa Kenya oo ay shacab weynaha Soomaaliyeed ku midoobaan arrimaha ku saabsan sharaf dhuleedka qaranka Soomaaliyeed.

Halkii sida lagu xaman jiray xildhibaannada  ee mooshin keenista oo ay dad badani ka walwalsanayeen inay isku diyaarinayaan abuuridda xasilooni darro siyaasadeed marka ay ka soo noqdaan fasaxa, waxay xildhibaannadu shacabka kaga yaabsadeen inay ahmiyadooda kowaad siiyeen heshiiskii sharci darrada ahaa ee Berbera ee DP World, Somaliland iyo Itoopiya wada galeen.  Natiijada Codeynta Baarlamaanku ayay hadda qasab tahay in la raaco iyada oo DP World sida ku cad qaraarka ka soo baxay Barlamaanka laga saaraayo dhammaan dhulka Soomaaliya madaama shirkadani ay si mas’uuliyad daro ah iyadda iyo hogaamiyaheedu ku soo xadgudbeen arrimaha gudaha Soomaaliya iyo Madax banaanideeda.

Dhammaan maal-gashadayaasha shisheeye ee danaha ka leh Soomaaliya waa inay raacaan sharciga oo ay la macaamilaan dowladda Federaalka Soomaaliya oo masuul ka ah dhammaan khayraadka dabiiciga ah ee dalka, hantida iyo isticmaalka adeegyadda kala duwan ee dalku leeyahay waxaa kelli ah oo si sharciga waafaqsan ay ula wareegi karaan hey’addo shisheey oo kelliya hadii heshiiska uu yahay mid heysta sharciyad. Haddii shirkadduhu sidaas sameeyaan, waa in lagu soo dhaweeyaa roogga cas iyo gacmo furan. Tallaabada ay qaaday shirkadda DPW waa wax aan la aqbali karin, iyadoo waliba hab-dhaqanka iyo rabitaanka guracan ee hogaamiyaha shirkadan ay yihiin kuwo aan la aqbali Karin sinaba.  Waa inaan marnaba dib loogu soo celin Soomaaliya Shirkad iyo Hogaamiyaheeda.

Dhinaca kale, xukuumadda federaalka Soomaaliya waa in ay sarre u qaadaa wada-hadallada khayraadka iyo dib-u-eegista dastuurka si loo xaqiijiyo dowladaha xubinta ka ah federaalka in ay jiri doonaan cadaalad ku saabsan wadaagista iyo qeybsiga khayraadka dalka ee hadda iyo mustaqbalka. Shirka Baydhabo ee soo socda dhamaadka bishan aynu ku jirno ee Maarso ayaa dhammaan dhinacyada ka midka ah dowladda federaalka siinaya fursad weyn oo ay ku gaari karaan heshiis ku saabsan habka loo sii wadaaggi karo khayraadka dalka.

Dhanka Somaliland, waxaa jiray cambaareyn ka timid Hargaysa, balse waxaa loo baahanyahay in xukuumadda federaalku ay iska indhatirto eedeymaha nuucan oo kale ah isla markaasna waxaa dowladda Soomaaliya looga fadhiyaa inay sii wado dhiirigelinta wadahadalka labadda dhinac. Soomaaliya waa HAL waxaana ugu dambeyn dhici doonta shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay uga nool yihiin dalka u baahnaan doonaan in ay midoobaan si ay uga faa’iideystaan ​​khayraadka badan ee dalka ku jira iyagoo isla markaasna muujinaya geesnimo iyo adkeysi marka ay wajahayaan caqabado cakiran sida marxaladan oo kale. Marka laga soo tago siyaasadda guud ee muuqata, inta badan dadka Soomaaliyeed way isku xiran yihiin dhinac kasta marka laga eego meel kasta oo ay joogaan. Itoobiya, oo ah saaxiibka saddexaad ee heshiiska la galay maamulka Somaliland loona qoondeeyay saami ah 19%, ayaa ilaa hadda ka aamustay heshiiska Berbera. Si kastaba ha ahaatee, waa inay ka digtoonaadaan xukuumadda Soomaaliya arrimaha socda ayna uga digto dowladda Itoobiya inaysan ku xadgudbin arrimaha gudaha Soomaaliya iyo Qaranimadeeda. Itoobiya waa in ay fahamtaa in Soomaaliya xasilooni iyo nabadgalyo ka jirto oo midaysan ay muhiim u tahay jiritaankeeda iyo xasiloonideeda. Waa inay itoobiya maanka ku heysaa xiisadaha qowmiyadeed ee ay maanta dalkeeda kala tacaaleyso, oo ay muuqato inay xiisadahani sii jiri donaan mudooyinka soo socda. Ciddina, maanta dan uguma jirto inay xasilooni darro-siyaasadeed ka abuurto dal kale.

Sababta ay Itoobiya ugu biirtay heshiiska sharci daradda ah ee DP World ee Berbera ayaa laga yaabaa inay tahay mid ku saleysan danno dhaqaale balse waa wax cudurdaar ah kuma heleyso Itoobiya inay qaadato go’aan nuucan oo kale ah sababtoo ah ma jiri karo wax walaac ah oo ay ka qabi karaan inay Soomaaliya u diido isticmaalka adeegyadda dekedaha ee au u baahan yihiin si ay wax uga soo degsadaan. Dekedaha Soomaaliya waxay u baahanyihiin ganacsi Itoobiya, waxaana sidaas si la mid ah Itoobiyaanka u baahan yihiin dekadaha Soomaaliya. Tani waa iskaashiga wanaagsan ee ay tahay in labada dowladood ay xoogga saaraan si ay dhab isaga ilaaliyaan khiyaamadda iyo hagardaamada shirkadaha gaarka loo leeyahay sida DP World taas oo gobolka geeska Afrika ku soo kordhineysa oo kelliya xasilooni darro ay la socoto maalgashi sharci darro ah.

Cod-bixinta Baarlamaanka maanta ayaa dhiirrigelinaysa kalsoonida cusub ee geedi socodka dib-u-dhiska hay’adaha dowliga ah ee muhiimka u ah Soomaaliya iyo awooddooda ah inay horay u mariyaan danaha qaranka Soomaaliyeed.

Go’aanka baarlamaanka wuxuu cadeynayaa ilaalinta danaha iyo madax banaanidda Soomaaliya, iyaga oo wakiil ka ah shacabka waxay direen fariin cad oo u direysaa shirkaddaha maalgashadayaasha sharci daradda ah: waxay cod dheer ku yidhaaheen ‘ka joogso falka guracan,  ixtiraam madaxbanaanida gayiga iyo shacabka Soomaaliyeed’.