Giriiga oo dib u celinaya qaxootiga

796
Giriiga oo dib u celinaya qaxootiga. Sawirka: Reuters

Raiisul Wasaaraha dalka Giriiga Kyriokos Mitsotakis ayaa sheegay in ay ka go,an tahay ilaalinta xuduudooda oo aysan ogolaan doonin in muhaajirin sharci darro ah ay dalka Giriiga soo galaan.

War qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay in
Muhaajiriinta sharcidarrada ku yimaada dalka Giriiga dib loo celinayo oo aan loo ogolaan doonin in ay Giriiga galaan.

Waxa kale oo uu sheegay Raiisul wasaaraha Giriiga in uu talaadada booqasho ku tagi doono xuduudda Turkiga iyada oo uu wehliyo madaxweynaha Midowga Yurub Charles Michel.

Hadalka Raiisul wasaaraha Giriiga ayaa imaanaya iyada oo boqolaal Muhaajiriin ah ay ku soo qulqulayaan dalka Giriiga kaddib markii Turkigu irdaha u furay muhaajiriintii ku xayirnaa dalkaas.

Tallaabada Turkiga ee xayiraadda looga qaaday muhaajiriinta doonaya in ay gaaraan Yurub ayaa imaaneysa iyada oo Turkigu doonayo in dalalka Yurub ay taageeraan hawlgalka Turkiga ee Suuriya.