George Weah oo loo dhaariyay xilka Madaxwayninimo ee dalka Liberia

948

Halyeyga kubadda cagta George Weah ayaa loo dhaariyay xilka Madaxwayninimo ee dalka Liberia ka dib markii uu xilka kaga guulaystay madaxwayne ku xigeenka dalkaasi wareegii labaad doorashadii madaxtinimo ee ka dhacday dalka Galbeedka Afrika ku yaala ee Liberia.

George Weah,  ayaa wareegii koowaad ee doorashada waxaa uu ku guulaystay 61.5 halka Joseph Boakai, madaxwayne ku xigeenkii hore ee dalkaasi uu ku guulaystay  38.5.

Usoo bixitaanka goobaha doorashada ayaa guddiga doorashada dalka Liberia waxaa ay sheegeen inay ahayd  55.8 oo u dhiganta  1.2 Milyan oo qof.

Xiddigii hore ee kubadda cagta George Weah, ayaa xafiiska ka badalaya haweenaydii ugu horaysay ee dal Afrika ah madaxwayne ka noqota Allen Johnson Sirleaf .

Dhaarinta George Weah, ayaa ka dhigan in muddo ka badan 70 sano ka dib si dimuqraadiyad ah xilka loogu kala wareego dalka Liberia, oo ah dal ay ku nool yihiin Afrikaan laga  soo ciliyay dalka Maraykanka.