Ninka la tuhusan yahay inuu yahay maskaxda ka dambaysay afgembigii dhicisoobay ee ka dhacay gobolka Xabashida Itoobiya ayaa waxaa toogasho ku dilay ciidamada booliiska Itoobiya, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda
General Asaminew Tsige oo ahaa madaxii amniga ee degaanka xabashida ayaa lagu dilay dagaal duleedka caasimadda Bahir Dar maanta oo isniin ku dhexmaray ciidamo isaga taabacsan iyo booliiska sida milateriga u tababaran ee federaalka. Ciidamadu waxa kaloo ay gacanta ku dhigeen rag kale oo looga shakisan yahay inay soo abaabuleen, fuliyeena Inqilaabkii fashilmay.
Inqilaabka milateri oo fashilmay ayaa waxaa ku dhintay Taliyihii ciidamada Itoobiya Seare Mekonnen iyo sarkaal kale oo howlgab ah oo la joogay xiliga dilku dhacayayay magaaladda Adisababa, Waxaa kaloo la dilay madaxweynihii ismaamulka Xabashida iyo la taliyihiisii.
Ciidamada dowladda oo aad u hubaysan ayaa la geeyay caasimadda Xabashida iyo Magaaladda Adis-ababa, waxaa kaloo hoos loo dhigay calanka wadankaasi oo loogu baroordiiqayo geerida Saraakiisha iyo madaxda la dilay, kuwasoo aad ugu dhowaa ra;isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed