Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta guddoomay 6 gaari oo nooca aan Xabadda Karin ah, kuwaasi oo loogu talagalay in lagu qabto howlaha Wasaaradda.
Gaadiidkani ayaa Wasaaradda ugu deeqday Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, waxaana munaasabad kooban oo uu Wasiirku ku guddoomayay Gaadiidkaasi lagu qabtay xarunta Wasaaradda Gaashandhiga, taasi oo ay goob joog ka ahaayeen wafdi ka socda Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka.
Saraakiisha ka socotay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa sheegay in gaadiidka ay Dowladda Mareykanku ugu talagashay in lagu kaabo Wasaaradda Difaaca Soomaaliya,si ay ugu qabato adeegyada muhiimka ah ee bulshada ay u hayso Wasaaradda.
Dhinaca kale Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ay ka guddoomeen 6 gaari, islamarkanaa lagu qaban doono oo kaliya howlaha muhiimka ah ee Wasaaradda.
Wuxuu uga mahadceliyay Wasiirku Dowladda Mareykanka sida ay u garab taagantahay ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed,oo dagaal kula jiraan dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab.