Dawladda Talyaaniga, ayaa Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ku wareejiyey Seddex Gaari oo labo kamid ah ay yihiin BMW oo ka mid ah gawaarida ugu qaalisan Caalamka, kuwaasi oo ay ku xiran yihiin Qalab fududeynayo ka hortaga Qaraxyada iyo daba galka dambiyada.
Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in gaadiidkaan ay waxbadan kusoo kordhin doonaan ciidamada Booliska Soomaaliyeed.
“Dawladda Talyaaniga, ayaa maanta nagu wareejisay Seddex gaari oo labo ka mid ah ay yihiin BMW, kuwaasi oo ay ku xiran yihiin qalab fududeynaya ka hortaga qaraxyada iyo daba-galka dambiyada.” ayuu yiri taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Gen Bashiir Cabdi Maxamed.