Muqdisho ( UM) – Caleema-saarka soo socda ee Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa waxaa uu isku keeni doonaa mas’uuliyiin kale duwan oo isugu jira madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya, mucaaradka, qaar ka mid ah madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya iyo madaxda dowlad Goboleedyada dalka. Waxaana sidoo kale magaalada Garowe ee caasimadda dowlad Goboleedka Puntland isugu tagay wasiirro, Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federalka, siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin kale.
Madaxweynaha cusub ee Puntland waa in si wayn loo soo dhaweeyaa, isaguna waa inuu muujiyaa mas’uuliyada laga sugayo oo ah in Puntland ay door muhiim ka qaadato isu keenida dowladda Federaalka iyo madaxda dowlad Goboleedyadaee qaarkood oo wali khilaafku kala dhexeeyo.
Waxaa cajiib ah in munaasabadda caleema- saarka Madaxweyne Deni uu shaqadii dalka oo dhan joojiyay. Wasiirro muhiim ah oo shaqo looga baahnaa Xamar ayaa ka wada tagay mas’uuliyadoodii si ay fursad Sawir-isku-dhufasho u helaan. Daba socodka sawirkaan iyo ka soo muuqashada sawirradda Caleema saarka ma aha in saacadaha qiimaha badan ee shaqada qaranka loo dayaco.
Ka qeybgalka Caleema-saarka waxaa ku haboonaa wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka oo ay shaqadiisa ka mid tahay. Laakiin inta wasiir ee ka qeybgalaysa waxa ay cadeyn u tahay in aysan dowladda Federaalka shaqo badan ay ahayn.
Marwalba oo madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre ay hadlaan waxa ay muujiyaan ayna ku celceliyaan in ay muhiim tahay in shaqaalaha dowladda ay aad u shaqeeyaan iyo in islaxisaabtan ay muhiim tahay. Maanta ayaa la xisaabtamaya wasiiradaan iyo mas’uuliyiintaan ka maqan shaqadooda? Siduu Ra’iisul Wasaaraha uga carroon karaa markii uu shaqaale ka waayo wasaaraddaha uu koormeero iyadoo wasiiraddii shaqada loo igmaday ska maqan yihiin.
Su’aashu waxa ay tahay mas’uuliyadu xagee ka bilaabataa? Xageese ku dhammaataa? Haddii mas’uuliyiinta dalku ay rumaysan yihiin in amarkoodu la fulinayo iyagoo waddadii saxda ahayd iyakuba ka leexday waa qaldan yihiin. Maalinta Caleema saarka Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni labo arrimood oo isku xiran ayaa dhici doontaa. Tan kowaad, waa wasiirro heer Federaal ah oo sawirro-isla dhacaya. Iyo tan labaad oo ah wasaaraddo cidlo ah oo aysan shaqaale joogin maadaama mas’uuliyiintu iyagakuba iska maqan yihiin.
Ugu dambayntii, khasaaradu waxa ay ku dhacaysaa dadka Soomaaliyeed oo is weydiinaya madaxdooda maxay ka wadda dooneen Garowe waqtigaan aadka u adag ee looga baahnaa in ay dalka kala waddaan.