Garoonka Banaadir oo loogu magac daray Injineer Yarisoow

390

Muqdisho – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku dhawaaqay in Garoonka Ciyaaraha ee Banaadir (Koonis) loogu magac daray Guddoomiyihii Gobolka Banaadir iyo Duqii Muqdisho, Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Injineer.Yariisow), taas oo maamuus iyo xasuusin u ah doorkii waddaninimada ahaa ee uu ka soo qaatay dib u dhiska dowladnimada iyo horumarinta Caasimadda.

Madaxweynaha oo dad wayne fara badan kala qayb galay isu-soo-bax xus iyo duco ah oo loo sameeyay dadkii lagu dilay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee Xarunta Dowladda Hoose ee Xamar, ayaa sheegay in maanta laga bilaabo garoonka diyaaraha Koonis loogu magac daray Allaha u naxariistee Eng. Yariisoow.

tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed aysan ka weecanayn dagaalka ay kula jiraan argagixisada tan iyo inta ay ka xorreynayaan dalka oo dhan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa si qoto-dheer uga hadlay taariikh nololeedkii Marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Injineer. Yariisow), waxa uuna sheegay in uu ahaa shakhsi dowladnimo jecel oo mar kasta ka shaqeynayay danta dalka.

“Alle ha u naxariistee Inj. Yariisow dhammaanteen waan ognahay halgankiisii dowladnimada, waxa uu ahaa shaqsi ay dowladnimadu ku weyn tahay, dowlad yaqaan ah oo jecel in dadkiisa iyo dalkiisa uu ugu adeego si waddaniyad leh, naxariis badan, ammaano leh, kana fogaa qabyaaladda.”

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ubax dhigay Taallo-xuseedka Garoonka Ciyaaraha ee Inj.Yariisow, iyadoona ay goob joog ka ahaayeen Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, Taliyeyaasha Ciidamada iyo masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda.

SHARE