Gambaleel Nazigu xaday oo Poland dib loogu celiyay

544
Sawirka/MÜNSTER DIOCESE

Gambaleel kaniisadeed oo ilaa 1555 jiray ayaa dib loogu celinayaa dalkii laga lahaa ee Poland kaddib 77 sano markii  Naaziga Jarmalka ku bililiqeysteen dagaalkii labaad ee adduunka.

Xubno ku nool kaniisad ku taalla Koonfurta Poland ayaa billaabay inay labo sano ka hor raadiyaan gambaleelkii hore ee qadiimiga ahaa ee kaniisadda.

Waxay ahayd wax aan suurogal ahayn bilowgii maxaa yeelay kaniisad ku taalla dalka Jarmalka ayaa sheegtay in Naaziga ay dhalaaliyeen gambaleelo gaaraya 80,000 si ay rasaas iyo hub uga dhigtaan.

Gambaleelka ayaa ugu dambeyn waxaa magaalada Munsteree dalka Jarmalka ku arkay baadari reer Poland ah. Sida ay sheegtay kaniisadda baadiraga oo lagu magacaabo Marian Bednarek ayaa helay gambaleelka culeyskiisu gaarayo 400 oo KG oo ku qoran buug.

Gambaleelo badan oon la dhalaalin ayaa dib loo celiyay, laakiin 1300 kuwa gaaraya oo laga soo qaatay bariga Yurub ayaa la diiday in la celiyo iyada oo ay yaalleen dalka Jarmalka. Ciidanka Britishka ayaa diiday in wixii laga soo qaatay bariga Yurub loo celiyo, iyada oo taa badalkeeda lagu hayay Jarmalka Galbeed.

Gambaleelka ayaa dib loogu celinayaa kaniisaddii laga soo qaaday kadib 77 sano oo uu ka maqnaa kaniisadda. Hayeeshe waxay noqon doontaa amaah ay leedahay dowladda Jarmalka maadaama ay hadda leedahay lahaanshaheeda.