Galmudug oo sacadaha soo socda yeelanaysa wasiiro cusub

835

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa lagu waddaa in Saacaddaha soo socda in uu ku dhawaaqo Gole Wasiiro sidda ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug.

Madaxweyne Xaaf ayaa lagu waddaa in uu Magaalada Dhuusamareeb uu kaga dhawaaqo Gole Wasiiro oo ay kasoo dhex muuqan doonaan Xubno ka tirsan maamulkii Ahlusunna ee Galmudug raacay.

Xaaf ayaa soo gabagabeeyay Wadatashiyo uu maalmihii lasoo dhaafay la sameynaayay Qeybaha kala duwan ee Bulshadda ee kasoo jeedda degaanada Galmudug.

Wasiiro horay uga tirsanaa Xukuumadda Xaaf ayaa dib usoo laaban doona, sidda Maaliyadda, Arrimaha Gudaha, Qorsheynta, Dekeddaha iyo Saadaasha Hawadda.

Waxaa sidoo kale dhanka Ahlusunna ka imaan doona dhinacyada Amniga, Waxbarashadda iyo Caddaaladda.