Galmudug iyo Ahlusuna oo heshiis gaaray iyo Shaakir oo noqonaya wasiirka 1-aad ee Galmudug (Sawiro)

1168

Madaxda Maamulada Galmudug iyo  Ahlusuna Wal Jamaaca ee bartamaha Soomaaliya ayaa heshiis Ku kula saxiixday magaalada Muqdisho.

Heshiiskaan labada dhinac ee Galmudug iyo Ahlusuna ayaa ka dhacay xarunta madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, ayadoo uu goob joog ka ahaa madaxwaynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya oo uu ka mid ahaa wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax juxa ayaa sidoo kale Ku sugnaa halka lagu kala saxiixanayay heshiiskaas.

Labada dhinac waxa heshiiska u kala saxiixay madaxwaynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf iyo madaxwaynaha maamulka gobalada dhexe ee Ahlusuna Waljamaaca Sheekh Maxamed Shaakir.

Wasiirka Warfaafinta ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa heshiiskan dhicitaankiisa ku xaqiijiyay bartiisa Facebook-ga

https://twitter.com/UmmaddaMedia/status/938430040202776578

“Madaxweyne Ahmed Duale Gelle (Xaaf), Mohamed Abdi Shaakir ayaa heshiiska wada saxiixday, iyadoo Wasiirka Arrimaha Gudaha uu la saxiixay”, ayuu Wasiir Yariisow Ku yiri qoraal kooban oo uu soo dhigay Facebook-ga.

Wasiirka Warfaafinta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa sidoo kale  sheegay in Heshiiska  labada dhinac ay gaareen uu dhigayo in Sheekh Maxamed Shaakir uu noqonayo Wasiirka koowaad ama ra’iisul wasaaraha  ee maamulka GalMudug  islamarkaana oo uu shir guddoominayo Golaha Wasiirada GalMudug.

Ahlusuna Waljamaaca iyo maamulka Galmudug ayaa bilihii la soo dhaafnay laga dhex-waday waan-waan nabadeed, taasi oo ugu dambayn keentay inay heshiiskan ku kala saxiixdaan xarunta madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.