Gabdho bartay Farsamada Cilmiga Tiknoloojiyadda Casriga ah oo Muqdisho tababar loogu soo xiray (Sawirro)

513

Muqdisho (UM) – Waxaa xalay lagu qabtay Hoteelka SYL  ee magaalada Muqdisho Xaflad tabababar loogu soo xirayay gabdho Soomaaliyeed oo  dhammaystay tababar muddo 5 Cisho ah uga soconayay magaalada Muqdisho.

Tababarka ayaa waxaa uu ku saabsanaa xirfadda iyo horumarinta barnaamijyada Tiknoloojiyadda casriga ah ee haataan ka jira Adduunka.

Munaasabadaan, ayaa waxa ugu horreyn ka hadlay Ustaad Zahra Abdikariim Ibrahim oo ah aasaasaha xarunta tababarada barnaamiyada Tiknoloojiyada gabdhaha ee Bilan Codes, oo ah xarun cusub oo dhawaan laga hirgeliyay magaalada Muqdisho taasi oo loogu talagalay in ay ku tababartaan gabdhaha bartay cilmiga Tiknoloojiyada, sidoo kalena siisa xirfad dhisid ku saabasan sameeynta barnaamijyada tiknoloojiyadda casriga ah iyo halabuurada cusub.

Zahra, ayaa sheegtay in tababarkaan ay ka faa’iisteen ugu yaraan 11 gabdhood oo xirfadlayaal dhanka IT-ga.

Xarunta Bilan Codes Waa hindisihii ugu horreeyay ee Tayeynta & sare uqaadista xirfadda Technology-yadda ee Gabdhaha Soomaaliyeed, ayay tiri, Zahra Abdikariim, aasaasaha Bilan Codes.

Waxa ay  sidoo kale tilmaantay in Gabdhaha la tababaray ay ahaayeen kuwo laga soo kala xulay Jaamacaddaha Muqdisho, ayna barteen sidda loo sameeyo ama loo dhiso barnaamiyada Telefanada, naqshadaynata iyo qurxinta (Mobile apps, Graphic design iyo programming).

Guddoomiyaha Jaamacadda Jamhuuriya Eng. Maxamuud Axmed Jimcaale, oo isaguna  goobta ka hadlay ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la dhiso ama la kobciyo aqoontada dhanka Kombuyuutarka iyo Tiknoloojiyada casriga ah ee gabdhaha bartay cilmiga Technology-yadda.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta dowladda federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Macalin Caddow (Foodcade) oo ka mid ahaa mas’uuliyiinta ka hadlay munaasadda ayaa sheegay in ay tahay arrin loo baahnaa barnaamijkaan iyo tababarka xirfada gabdhaha Cilmiga Tiknoloojiyadda bartay sare laguu qaadaayo.

Waxa uu boggaadiyay gabadhihii tababarkaan qaatay oo barnaamijyo ay sameeyeen goobta ku soo bandhigay, sida mobile apps iyo naqshadaynta barnaamijyo cusub, isagaa oo Sheegay in tabarada kuwaan oo kale ah oo kor lagu qaadayo xirfada gabdha bartay cilmiga Teknooloojiyadda ay tahay arrin bogaadin iyo dhiiragelin mudan.

Qaar ka mid gabdhaha tababarka dhamaystay ayaa goobta ku soo bandhigay barnaamijyo ay halabuureen oo ay aad ula dhaceen dadkii ka soo qeybgalay.

Munaasabada kaddib ayaa waxaa shahaadooyin abaalmarin ah la guddoonsiiyay gabadhaha dhammaystay tababarka shanta cisho u socday.

Xaruntaan ayaa lagu talagalay in ay soo saarto gabdho injineero ah oo xirfad sare u leh dhanka halabuurka ,curinta , horumarinta barnaamiyada Kumbuyuutarada iyo Tiknoloojiyadda casriga ah.

Sidoo kale xaruntaan cusub ayaa gabdha jecel ama leh halabuurka ka cawinaysa kuna dhiirgelisa tayeytan xirfadda gabdhaha cilmiga Kumbuyuutarka ama Tiknoloojiyadda bartay, sida in ay halbauur cusub sameeyaan ama barnaamijyo u dhisaan.

SHARE