Gabar u dhalatay Sacuudiga oo magangalyo weydiisatay Australia

Rahaf alQunun oo 18 Jir ah oo dalka Sacuudiga u dhalatay ayaa Australia weydiisatay magangalyo in ay siiso. Sawiirka: AFP

Gabar 18 jir oo u dhalatay Sucuudiga todobaadkii horena  ka baxsatay qoyskeeda ayaa codsatay in magangalyo laga siiyo dal saddaxaad maadama ay nafteeda halis galeyso haddii ay dib ugu noqoto Sucuudiga.

Rahaf Maxamed Qanuun ayaa diiday in ay raacdo diyaarad ka baaxeysay dalka Thailand oo ay u baxsatay, dibna ugu celin lahayd Kuwait oo qoyskeeda degganyahay. Rahaf ayaa sheegtay in aysan Sucuudiga ku noqon Karin oo la dilayo maadaama ay diinta islaamka ka baxday.

Rahaf ayaa hadda ku jirta xarun ay leedahay dowladda Thailand, iyada oo arrinteeda ay qiimeyn ku waddo Hey’adda qaxootiga adduunka ee UNHCR.

Aabaheed iyo walaalkeed oo u yimid in ay arkaan ayay diiday in ay aragto iyada oo ku adkeyseyna in la geeyo dal saddaxaad  si aysan dhib ula kulmin.

SHARE