Gabar Sucuudiga u dhalatay oo magangalyoka heshay Canada

756
Rahaf alQunun oo 18 Jir ah oo dalka Sacuudiga u dhalatay ayaa Australia weydiisatay magangalyo in ay siiso. Sawiirka: AFP

Gabar u dhalatay Sucuudiga oo qoyskeeda ka baxsatay muddana ku xayirneed garoonka diyaaradaha dalka Thailand  ayaa ugu danbeeyn magangalyo ka heshay dalka Canada.

Rahuf Maxamed al-Qanun oo 18 jir ah ayaa  isku dayday in ay dalka Thailand ka gasho Australia, hase ahaatee waxaa mas’uuliyiinta Thailand ay u sheegeen in lagu celinayo dalka Kuwaty oo ay qoyskeeda dalxiis u joogeen markii ay baxsatay.

Gabadhaan ayaa diiday in ay dib ugu noqoto dalka Kuwait iyada oo indhaha caalamka soo jiidatay markii ay qoraalo isdaba joog ah soo dhigtay barteeda Twitterka. Waxay sheegtay in haddii lagu celiyo qoyskeeda ay khatar galeyso maadaama ay diinta islaamka ka baxday.

Hey’adda qaxootiga addunka UNHCR oo gacanta ku heysay gabadha ayaa caddeysay in gabadhan ay tahay qaxooti .

Raiisul wasaaraha Canada Justin Trudeu ayaa sheegay in Canada ay u taagantahay difaaca xuquuqda aadanaha  oo ay marnaba taas ka laba labayn sidaas darteedna ay ku aqbalayn codsiga Hkeyadda qaxootiga oo Canada ay qaadaneyso  gabadha u dhalatay Sucuudiga oo horay uga baxsatay qoyskeeda iyada oo cabsi ka qabta in nafteeda ay halis gasho haddii ay dib ugu noqoto reerkeeda.