
Gabar u dhalatay Talyaaniga oo gargaarka ka shaqeyneysay dhawaanna laga sii daayay afduub ay ugu xirneyd muddo sanad iyo sideed bilood ah Soomaaliya, ayaa wajaheysa olole cusub oo nacayb ah taasi oo ay gadaal ka riixayaan kooxaha midigta fog ee Talyaaniga sababo la xiriiro in la sheegay in ay qaadatay diinta Islaamka.
Silvia Romano ayaa qaadatay diinta Islaamka xilli ay ku jirtay kooxdii u heysatay madax furashada .Qoyskeeda ayaa sidaas xaqiijiyay iyaga oo sidoo kalena sheegay in gabadhooda oo 24 jir ah ay magaceeda Caa’isha u badashay.
Wargeyska garabka midigta fog ee Il Giornale ayaa sheeko uu boggiisa hore ku qoray u dhigay cinwaanka sidaan: “Islam ah oo faraxsan, Silvia abaal laay”.
Siyaasi ka soo jeeda Gobolka Treviso ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook oo durbadiiba la saaray ku yiri ” Silvia waa in la daldalaa”.
Silvia ayaa ka shaqeyneysay hawlaha gargaarka iyada oo ka hawlgaleysay xarun agoomaha oo ku taal Koonfur Bari Kenya, ka hor intii aan 18 bishii November sanadkii 2018 la afduubin iyada oo loola tallaabay Soomaaliya.
Warbaahinta dalka Talyaaniga ayaa sheegtay in dowladda dalkaas ay bixisay lacag gaareysa 1.5 Milyan oo dollar, hase ahaate waxaa taas ka gaabsaday dowladda Talyaaniga. Dhanka kale afhayeen u hadlay Al-Shabaab ayaa xaqiijiyay in madax furasho la dhiibay inkasta oo uu ka gaabsaday sheegista cadadkeeda.
Siyaasiyiinta midigta fog ayaa si weyn u weeraray qaadashada Silvia ee diinta Islaamka, iyada oo qaarkood ku tilmaamay qof ka soo baxay xeryihii yahuuddu Hitler ku ciqaabi jiray, oo xiran dharkii Naziga.
Silvia ayaa dhankeeda sheegtay in diinta Islaamka ay u qaadatay si iskeed ah markii ay Quraanka aqrisatay.