G. Wasiirada Galmudug oo war ka soo saaray khilaafka mas’uuliyiinta maamulkaasi

830

Golaha Wasiirada Maamulka Galmudug ayaa maanta shir deg deg ah ku yeeshay magaalada Cadaado oo xarun KMG ah haatan u ah Galmudug.

Shirka ayaa looga hadlay xaaladihi u dambeeyay ee ka dhacay deegaanada Galmudug iyo khilaafka kasoo if-baxay mas’uuliyiinta sarsare ee Galmudug.

Xubnaha Fullinta maamulka Galmudug ayaa shirka kasoo saaray war-murtiyeed ka kooban dhowr qodob waxaana warbaahinta u akhriyay wasiirka Warfaafinta Galmudug Maxamuud Aadan Massagaway.

Qodobada laga soo saaray shirka deg dega ahaa ee golaha wasiirada Galmudug waxaa ka mid ahaa

1: In dowlad goboleedka Galmudug loo daayo xalinta khilaafkeeda.

2: In hay’adaha  ammaanka Galmudug ay galaan  feejignaan ku aadan sugidda ammaanka deegaanada maamulka.

3: In la joojiyo shirarka siyaasadaysan inta xal looga helayo khilaafka maamulka.

4: In waqti la geliyo howlaha mucaawino gaarsiinta dadka ay abaaraha saameeyeen iyo kuwo kale.

Golaha wasiirada Galmudug ayaa sidoo kale waxaa ay baaq u direen Odayaasha dhaqanka, Wax-garadka, Aqoon-yahnada iyo Culmaa’udiinka maamulka Galmudug inay ka qayb galaan xal u helidda collaadda ka taagaan deegaanada dhanka barri ee gobalka Mudug.

Go’aamadan ka soo baxay Golaha Wasiirada Galmudug ayaa ka dambeeyay  ka ddib markii Madaxweynaha Galmudug, Madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka uu soo kala dhex galay khilaaf ka dhashay xiisada khaliijka oo Maamulka Galmudug uu isku khilaafay.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa dhowaan ku dhawaaqay in maamulkiisa uu taageeray isbaheysiga Sacuudiga uu hogaamiyo ee ay ka mid yihiin dalalka  Imaaraadka Carabta, Baxrayn Masar iyo kuwo kale, kuwaasi oo cunoqabatayn dhul, Cir, Bad iyo Hawo leh ay kusoo rogeen dalka Yar ee Khaliijka Carabta ku yaala ee Qadar.

Madaxweyne kuxigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ee maamulka Galmudug ayaa warka kasoo yeeray Madaxwaynaha mudda kooban xilka haya ee maamulkaasi  ay ka soo horjeesteen, isla markaana taageeray go’aanka dowladda Federaalka ka qaadatay xiisada khaliijka kaasi oo ah inay Soomaaliya dhexdhexaad ka ahaato mushkiladda siyaasadeed ee ka dhex aloosan dowladaha isku abtirka ah ee Carabta.