Muqdisho (UM) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa boggaadiyey hawlaha dib loogu nadiifinayo garoonka ciyaaraha ee Muqdisho Stadium.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeyb galay Ololaha Is-xilqaan oo logu dar-dargeliyay nadaafadda iyo dib u habeynta garoonka.
Guddoomiye Eng. Yarisoow ayaaa sheegay muddo labo bilood gudahood ah in lagu dhameystirayo wajiga koowaad howlaha dib u habeynta garoonka oo qeyb ka tahay nadaafadda iyo nalayn lagu sameynayo si loogu qabto barnaamijyarada ciyaaraha Maamullada ee dhowaan la qaban doono.
“Howshan dar-darta ku socota ee dib loogu hagaajinayo garoonka Stadium Muqdisho waxay qeyb ka tahay qorshaha noo dagsan oo muddo labo bilood gudahood ah lagu dhameystirayo qeybta hore ee dib u howlgelinta garoonka si loogu qabto Ciyaaraha Maamullada Gobollada iyo Gobolka Banaadir”. Ayuu yiri Duqa Muqdisho Eng. Yarisoow.
Ololaha Is-xilqaan ee laga sameeyay garoonka Ciyaaraha ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiye ku xigeenka arrimaha Bulshada, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Waaberi iyo Warta-Nabadda.
Garoonka ciyaaraha Muqdisho Stadium ayaa dhawr bilood ka hor dowladda ku wareejiyay Ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Amisom oo dhawr sanadood saldhig ciidan ay u ahayd.