Finland: weerar Mindi loo adeegsaday oo lagu dilay 2 qof

933

Ugu yaraan labo ruux ayaa la dilay, lix kalena waa ka dhaawacay, kaddib markii nin ku hubeysnaa toorey uu dadkan ku weeraray magaalada Turku ee Koofur galbeed Finland.

Booliska ayaa  toogtay ninkii dadka tooreeyay, kaasi oo la sheegay markii la dhaacawacay ka dib in xabsiga loo taxaabay.

Mas’uuliyiinta Finland ayaa sheegay in dhacdadan aanay la xiriirin karin fal argagixiso, iyadoo ay socdaan baaritaano.

Shacabka ayaa loogu baaqay inay ka fogaadaan faras-magaalaha ay wax ka dhaceen.

Inta badan magaalooyinka Yurub ayaa waxaa 13-kii bilood ee la soo dhaafay ka dhacay weeraro mindiyo iyo baabuur loo adeegsaday.

Kooxda Daacish, oo ka dagaalanta dalalka Ciraaq iyo Suuriya ayaa sheegatay mas’uuliyadda weeradii ka dhacay Barcelona, London, Nice, iyo kuwo kale.

Weerarkan ayaa durbaba lala xiriiray kuwo 24 saac aynu soo dhaafnay ka dhacay magaalada Barcelona ee dalka Spain, halkaasoo nin watay gaari uu dad ku jiirsiiyay, kadibna dilay illaa 13 ruux, halka dhaawaca uu ka Sare maray 100 qof.