FBI-da Mareykanka oo baareysa xiriirka ka dhaxeeya madaxweyne Trump iyo Ruushka

635
Hey'adda FBI Mareykanka oo baareysa xiriirka ka dhaxeeya madaxweyne Trump iyo Ruushka. Sawirka: AP

Wargeyska New York Times ee ka soo baxa dalka Mareykanka ayaa ku qoray in hey’adda dambi baarista Mareykanka ee FBI-da ay bilawday baaritaan ku saabsan xiriirka ka dhaxeeya madxaweynaha Mareykanka Donal Trumpb iyo dalka Ruushka kaddib markii madaxweynaha uu shaqada ka eryay Agaasimihii hore ee FBI-da James Comey bishii May ee sanadkii 2017-kii.

Saraakiisha FBI-da oo si weyn uga shakisan habdhaqanka maadxweynaha ayaa baaritaanadooda oo meelo badan taabanayay rabay in ay ku ogadaan in Madaxweyne Trump uu taageero ka helay Ruushka intii uu socday ololihii doorashada madaxtinimo ee dalka Mareykanka.

Hey’adda FBI-da ayaa baaritaanka uga gol lahayd in ay kala caddeyso in Trump uu si ula kac ah ula shaqeeyay Ruushka iyo in isaga oo aan is ogeyn Ruushku uu saameeyay sidaasna uu ku yimid tuhunka faragalinta doorashada.

FBI-da ayaa sidoo kale baaritaanka u bilawday si ay u ogaato in eryida James Comey ay xiriir la lahayd baaritaanka la bilaabay sidaa darteedna madaxweyne Trump uu u galay danbi kale oo ah in uu hor istaagay in cadaaladdu shaqeyso.

Madaxweyne Trump ayaa tan intii uu madaxweynaha noqday waxaa socday eedaha iyo tuhunka in uu taageero ka helay Ruushka oo sidaas uu doorashada ugu guuleystay.