Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium-ka wuxuu kula kulmay Guddoomiyaha xisbiga UCID Feysal Cali Waraabe iyo Hoggaamiyaha Khaatuma Cali Khaliif Galeyr.
Kulankan oo qaatay saacad iyo wax ka badan ayaa waxaa sida la sheegay codsaday Madaxweyne Farmaajo, iyada oo looga hadlay arrimo la xiriira Soomaaliya iyo Somaliland.
Sidoo kale Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ayaa sheegay kulanka ay la yeesheen Madaxweyne Farmaajo inuu ku soo dhammaaday is fahan, isaga oo sidoo kale sheegay inay ka dalbadeen in xanafta laga fogaado, si uu u yimaado isku soo dhawaansho dhinacyadda kala duwan ee ay quseyso qadiyadda Soomaaliya.
Faysal Cali Waraabe ayaa yiri “Waxaa Farmaajo kala hadalnay sidii deeqaha loo qeybsan lahaa, dagaalka loo joojin lahaa, sidii jawi wanaagsan loo abuuri lahaa, Soomaalida wadadii lagu jabay laga leecin lahaa oo wado wanaagsan oo nabad lagu keeno, intaas dhan waa isku afgaranay”ayuu yiri Feysal Cali Waraabe oo wareysi siiyay Idaacada BBC isagoo ku sugan magaalada Brussels.”
Mar uu ka hadlay arrinta dagaalka Tukaraq ayuu sheegay in Madaxweyne Farmaajo ugu dhaartay in dagaalkaas aanu gacan ku laheyn, isla markaana ay ka rumeysteen.